Xilibaan Dalxa; “Xamar waa Calooshii wadanka”

Xilibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo caawa hadal kajeediyay xaruunta degmada Xamar Ja-jab, oo ay ka socoto munaasabad lagu soo dhoweeynayo Sanadka Cusub laguna sagootinayay Sanadkii nasoo dhaafay, ayaa waxa uu si aad uqutodheer uga hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono sanadkii nasoo dhaafay iyo waxa Soomaaliya u qabsoomay.

Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in Xamar ay soo martay dhibaatooyin aad ufarabadan , mudo 22 sano kabadana ay dagaalo sokeeyo iyo kuwo diimeedba ay ka socdeen.

Xilibaan Dalxa, oo kahadlayay Isbidalka Muqdisho ka dhacay Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxa uu yiri; “Xamar markii ay aragtay nin u damqanaaya, Xamar markii ay aragtay nin yaqaano markii ay aragtay, Xamar nin fahmaayo markii ay aragtay, Xamar waxay Iska badashay Xamartii muragada ku jirtay, mugdiga kujirtay, waxayna isku badashay magaalo soo iftiimeysa, magaalo wanaageeda ku faafisay magaalooyinka kale ee wadanka”.

Xilibaan Dalxa, oo hadalka sii wata ayaa sheegay in marka la aado wadamada kale ama aduunka kaleba Xamar laga aaminsanhay meel xun oo laysku dilo, iyo meel qaajo iyo rafaad kajiro.

“Waxaa nasiib daro ahayd hadaad tagto aduunka meel waliba qof kasto oo ajnabi ah hadaad kala shekeeysatid Soomaaliya mashaakilkeeda waxaad moodaa in layskugu gudbiyay isgaarsiin, nin waliba waxa uu kuu tilmaamayaa Xamar ineey tahay Caloosha mashaakilaadka” ayuu yiri Dalxa oo sifeeynayay Xaalada Xamar Sanad kahor.

“Nin walibana waxa uu dhihi jiray hadii aan Xamar xal loo helin Soomaaliya xal looma helayo” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Xilibaan Dalxa oo lahadlayay dadkii kazoo qayb galay Xafladan Caawa ka socoto degmada Xamar Ja-jab, ayaa ugu baaqay qof walbo inuu ku mintido nabadda hada kajirto magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in qaar kamid ah bulshada aanan la tusi Karin dadka wadaniyiinta ah, dadka dalka wax u qabanaya iyo dadka naftood hurayaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here