Xilibaan Dalxa oo dhaliilay dhaqanka Ciidamada Kenya

Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaliya, ayaa mar uu wareysi siinayay raadiyaha ku hadla Afka doowlafa Soomaliya, waxa uu dhaliilay hab dhaqanka Ciidamada Kenya eek u sugan xaruunta Jubada Hoose ee Kismaayo.

Xilibaan Dalxa, ayaa sheegay in talaabadii dhawaan ay Ciidamada Kenya ee Kismaayo kus ugan ay ku diideen ineey sugaan amniga wafdi doowlada ka socda oo halkaas gaaray, ay ka tarjumeyso in Ciidamada Kenya ay qayb kayihiin qaska Kismaayo kasocda, islamarkasna uu mugudi gali doonomustaqbalka joogitaankooda gudaha Soomaaliya.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhibaatada ka
jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay tahay mid
aanay wadin dadka deegaanka u dhashay balse ay wadaan dad dano gaar ah
leh oo aanan u dhalan deegaanka,  waxaana uu sidoo kale ku eedeeyey
qurba joogta Soomaaliyeed iney arintaasi qaskeeda ku lug leeyihiin.

Waxaa xusid mudan in Xilibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, ay dhawaan gudoonka sare ee baarlamaanka u gudbiyeen Mooshin ka dhan Ciidamada Kenya, waxaana Xilibaanadaas ay Ciidanka Kenya ee Jubooyinka ku sugan ku eedeeyeen ineey fowdo iyo qas ka wadaan Jubooyinka, islamarkaasna ay garab siinayan garab kamid ah garabyada isku haya maamulka Kismaayo.

Sidookale madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, oo Khudabad ka jeedinayay Xafladii sanadguurada Aas Aaska Midowga Afrika ee Addis-Ababa lagu qabtay, ayaa dhaliilay hab dhaqanka Ciidamada Kenya, waxaana uu sheegay ineey hareer mareen howshii loo Idmaday, ee ahay la dagaalanka Al-shabaab iyo ineey sugaan amniga masuuliyiinta doowlada ee halkaas gaara ama ku sugan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here