Xilibaan Amiin Jeesow oo Madaxweynaha & R/wasaaraha ka dalbaday ineey booqdaan Sh/Dhexe

Xilibaano katirsan baarlamanka Soomaaliya, oo shalay gaaray xaruunta gobolka Shabeelada Dhexe, ee Jowhar, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay kulamo la lahaayeen masuuliyiinta maamulka halkaas kataliya, iyo waxgaradka bulshada ku dhaqan Jowhar.

Xilibaanadan, oo si weyn shalay loo soo dahweeyay markii ay halkaas, gaareen, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Shabeelada Dhexe, gaar ahaan jowhar ay yihiin dad jecel dowladnimada, islamarkaasna qayb ka qaata nabad galyada iyo Xasiloonida.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanadaasi Gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Gobolka Sh/Dhexe ay ay u baahanyihiin Raali Gelin islamarkaana ay booqdaan Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha intaba sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Ku Xigeena Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhanka kale waxa uu faah faahin ka bixiyay kulan ay La qaateen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Xilibaanadii shalay gaaray magaalada Jowhar, ayaa waxaa ka mid ahaa C/dir  Cosoble Cali,Khadiijo Maxamed Diiriye,Daahir Amiin Jeesow,Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Maxamed Cumar Ceymoy, XIldhibaan Maxamedamiin iyo qaar kale ayaa waxa ay meel fagaare ah kula hadleen boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Xilibaanadan shalay gaaray Jowhar, ayaa dadka deeganka u sheegay  in ay doonayaan in ay ogaadaan xaalada nololeed ee shacabka ay ku nool yihiin isla markaana ay u gudbiyaan dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

  1. magaaladeydii aan jeclaa xoosh iyo khadijo waa dad asali ah una dhashay magaaladan. ilaahow nabad nabad baa na deeqdee aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here