Xildhibaano maanta u dhoofay dalka Jabuuti

Wafdi xildhibaano ah oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa maanta u dhoofay magaalada Jabuuti.

Wafdigaan ayaa uga qeybgalaya dalka Jabuuti shir halkaasi uga furmayo gudoomiyaasha xildhibaanada dalalka ku jira urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliyana xubin ka tahay.

C/wali Sheekh Muudeey oo inta uusan ka amba bixin Muqdisho la hadlay wariayasha ayaa sheegay in in uu u wakiishay safarkaasi gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Waxaan u socdaa Jabuuti waxaana rabaa in aan ka qeybgalo shir ka dhacaya Jabuuti, waxaa yeelanaya shirkaasi gudoomiyaasha baarlamaanka IGAD, aniga waxaan ku matalayaa gudoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaana ii wakiishay gudoomiyaha baarlamaanka,” ayuu yiri.

Mar wax laga weeydiiyey saameynta ay ku yeelan karto xil ka qaadisti lagu sameeyey isaga iyo ninka ka sareeyey ee Shariif Xasan ayuu sheegay in dalka uu leeyahay hal gudoomiye oo qura kaasina uu yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.