Xildhibaano maanta saxaafada u aqriyey war saxaafadeed ay IGAD ku taageeray Shariif Xasan

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta u aqriyey wariyaasha qoraal saxaafadeed ay sheegeen in kasoo baxay wasiirada arrimaha dibada dowladaha IGAD kaasi oo ay ku taageereen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo aqriyey bayaan kasoo baxay xildhibaanadaan taageersan Shariif Xasan Aadan ayaa sheegay in mudanayaasha ay taageereen dhamaan bayaanadi kasoo baxay beesha caalamka oo uu ugu danbeeyo war saxaafadeedka wasiirada IGAD oo go,aamiyey in aysan aqbali doonin gudoomiyaha cusub ee ay baarlamaanka u doorteen Madoobe Nuunoow.

“Waxaan taageerneynaa soona dhaweyneynaa Wasiirada IGAD oo sheegayey inuu baadil ahaa doorashi lagu doortay gudoomiyaha cuusb, waxaan kale oo aan soo dhaweeneynaa, war saxaafadeedyadi kasoo baxay xafiisyada Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, war murtiyeedkii shirki Garoowe, war saxaafadeedki kasoo baxay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay oo dhamaantood lagu diiday xil ka qaadisti lagu sameeyey Shariif Xasan Sheekh Adan gudoomiyaha baarlamaanka,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Beesha caalamka ayaa diiday xil ka qaadisti lagu sameeyey Shariif Xasan waxaana ay ku tilmaantay arintaasi ay ka hor imaaneyso heshiiski Kampala iyo habka geedi socodka nabada ee roadmap.

Madaxda dowlada oo ka qeybgalay kulan ay todobaadki hore ku yeesheen Muqdisho gudiga amniga qaranka ayaa iyana waxba kama jiraan ku tilmaamay dhamaan kulamadi ugu danbeeyey ee ay yeesheen xildhibaanada iyo doorashi Madoobe Nuunoow Maxamed.