Xildhibaano lagu bahdilay Garoonka Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa in shalay si xun loogu bahdilay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, xili ay doonayeen ineey u safraan dalka Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan Garoonka ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in Xildhibaanada lagu sameeyay Baaritaan aad u xoogan, ilaa heer laga siibay Kabaha iyo Suumanka.

Sidoo kale goobjoogayaasha waxay noo xaqiijiyeen, in Xildhibaanada laga xiray qeybta VIP-da oo ay caadiyan ka dhoofi jireen, waxaana la marsiiyay qeybta ay maraan dadka shacabka ah. Xildhibaanada qaar ayaa la sheegay ineey ku doodeen ineey yihiin masuuliyiin qaran oo aan la baari karin, balse waa laga diiday waxaana loo baaray sida loo baaro shacabka.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii qarax fashilmay uu ka dhacay Diyaarada Daallo oo ka duushay Garoonka Aadan Cadde, waxayna arintaan ka careysiisay Xildhibaanada qaar, kuwaasoo hadallo kulul ay is weydaarsadeen saraakiisha amaanka Garoonka,

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa dhigaya inaan la baari karin Xildhibaanka naftiisa iyo Hoygiisa, balse arinta shalay ka dhacday Garoonka ee lagula kacay Xildhibaanada ayaa noqoneysa mid sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here