Xildhibaano ku baaqay in gargaar dag dag ah la gaarsiiyo dadka reer Baydhabo

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya ee kasoo jeedo gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku baaqay in gargaar bani,aadanimo oo dag dag ah la gaarsiiyo magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cismaan Miiroow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah in ay gaaraan magaalada Baydhabo.

“Hey’adaha gargaarka waxaan ugu baaqayaa in ay gargaar dag dag ah gaarsiiyaan waayo magaalada hada dowlada ayaa qabsatay, xaalada bani,aadanimo ee dadka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo wali way jirtaa, dadka badankooda Muqdisho ayey sanadki hore usoo carareen,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan dowlada, isaga oo ciidamada haatan jooga Baydhabo ka codsaday in ay xooga saaraan amaanka.

“Dadka way u riyaaqeen nabadgalyaada iyo kala danbeyntana waa in hada lagu soo celiyaa, marka waxaan dadka ugu baaqayaa in dadka waxa ugu horeeya ay ka shaqeeyaan nabad galyada”  ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa ka danbeeyey kadib marki ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ay qabsadeen todobaadki hore magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.