Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo maanta mar kale gacanta isula tagay

Waxaa maanta mar kale gacanta isula tagay xildhibaano kala taageersan gudoomiyaha baarlamaanka iyo qaar difaacayey kadib kulan ka dhacay xarunta Golaha Shacbiga.

Buuq ayaa goobta ka dhacay waxaana ku dhaawacmay xildhibaano uu ka mid ahaa xildhibaan Sheekh Shaacir oo ka mid ah xildhibaanada aayadaha qur,aanka ku furo fadhiyada baarlamaanka.

Inkastoo buuq uu goobta ka dhacay hadana waxaa marki danbe laga saaray goobta xildhibaanadi taageersanaa Shariif Xasan Sheekh Adan, waxaana goobta laga bixiyey sidoo kale xildhibaan Shaacir oo madaxa uu dhaawac ka gaaray kaasi oo cisbitaal loo qaaday.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay oo fadhiyey xildhibaano gaaraya 280 mudane sida uu saxaafada u sheegay Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah ninka ay xildhibaanada dhawaan u doorteen shir gudoon.

Waxaa kulanki maanta kasoo qeybgalay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) kaasi oo maanta shir gudoomiye.

Mr Casoowe ayaa sheegay in la dooranayo gudiyo soo magacaabo soona diyaariyo doorashada, waxa uu sharci ku tilmaamay xil ka qaadisti lagu sameeyey gudoomiyaha baarlaamnka.

Gabagabadi kulanka ayey mudanayaasha isku raaceen in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo gudi kasoo shaqeeyo doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Dhawaan ayaa wareegto kasoo baxday madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku amray in xildhibaanada ay tix galiyaan heshiiskii Kampala isla markaana ay dajiyaan xaalada dibna u amba qaadaan howlahooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.