Xildhibaano iyo Waxgarad ka digay in la badalo Safiir Ameeriko

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KMG iyo Odayaasha Hawiya ayaa ka digay in la badalo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko taasoo ay ku tilmaameen mid naafeyneyso howlaha Qaran ee uu Safiirka u haayo shacabka Soomaaliyeed.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Cali Ameeriko uu yahay maskaxdii ka danbeysay in Dowladda Soomaaliyeed ay dib u hesho dhismihii Safaaradda oo shaqsiyaad Soomaaliyeed isku dayay in ay iibsadaan.

Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa sheegay in aan la aqbali karin hadii ay ku dhaqaaqdo Dowladda KMG in ay xilka ka qaato Ambassador Ameeriko, ayna horseedi doonto burbur ku timaada Dowladda KMG.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ka mid ah Odayaasha beelaha Hawiye ayaa isna ka hadlay wararka maalmahan soo kordhaya ee ku saabsan in xilka laga badalayo Maxamed Cali Ameeriko, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Wuxuu ku baaqay Axmed Diiriye in aan arintaasi lagu deg degin ayna haboon tahay in ay Dowladda ka fiirsato waxyaabaha dhibaatada abuuri karo.

Axmed Diiriye ayaa sheegay in qof walbo oo wax u qabanaya umaddiisa ee la arko kartidiisa in ay xil ka qaadis lagu sameeyo, taasna aysan shacab mar kale aqbali doonin, wuxuuna amaan u soo jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya kaasoo uu sheegay in uu ka danbeeyay in Safaaradda Soomaaliya ay gacanta dowladda soo gasho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.