Xildhibaano caruur barakaceyaal ah u dhisay dugsi quraan + Sawiro

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dugsi ay wax ku bartaan caruurta barakaceyaasha ah waxa ay uga dhiseen xero barakaceyaal oo kutaalla siligii hore ee mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha dugsigani ayaa yimid kadib markii ay barakaceyaal indho aanan laheyn ay horey uga codsadeen in loo dhiso dugsi quraan isla markaasina wax loo baro caruurtooda, waxaana arinkaasi si deg deg ah uga soo jawaabay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya hayeeshee soo wakiishay Xildhibaano kale oo kusugan gudaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lacag uu soo dhiibay lagu dhisay dugsi ay quraanka kariimka ku bartaan dadka barakaceyaasha ah gaar ahaan dadkani degan siligii hore isla markaasina ay waalidiintoodi yihiin indhooleyaal.

Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Jakeeti), Xildhibaan Maxamed Sheekh
Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Mire ayaa ka qeybgalay gudoonsiinta xarunta dugsi quraanka cusub ee loo dhisay barakaceyaasha ee furihiisa la guddoonsiinayay waalidiinta aan indhaha laheyn si caruurtooda ay dugsigaasi quraanka ugu baraan.


Xildhibaan Caamir oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dugsigani uusan
aheyn kii ugu horeeyay oo ay dhiseen hayeeshee ay horey u dhiseen dugsiyo kale isla markaasina ay isku dayayaan inta karaankooda ah inmacallimiinta joogta dugsiyada ay fureen ay bishii mushaarkiisa siiyaan maadaama dugsiyadaasi la furay ay lacag la’aan yihiin.

Barakaceyaasha degan siligii hore ee degmada Madiina ayaa si aad ah uga mahadceliyay Dugsigani loo dhisay iyagaoo ku tilmaamay in dugsigani uu uga fiican yahay raashiinka lasiiyo maadaama aqoontu ay tahay mid waligeeda jireysa hayeeshee raashiinka uu dhamaanayo,waxayna ugu baaqeen xildhibaanada kale ee Baarlamaanka Soomaaliya inay ku daydaan xildhibaannadani wanaaga dhinac waliba ka eegaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.