Xildhibaanno Cusub oo Maanta Muqdisho Lagu Dhaariyay (Akhriso Magacyada)

Xilli ay socdan khudbadaha ay jeedinaayaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa goor dhow la dhaariyay 9-kamid ah mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo uu horay uga jiray khilaaf in ay ka mid noqdaan xubnaha Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyey maanta ayaa gaarayey 9-xubnood waxayna u badan yihiin xubno cusub oo lagu soo daray Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhaariyey xubnahaani isla markaana sheegay in ay si toos ah ay ugu qeyb qaadanayaan hawlaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa magacyadooda waxay kala ahaayeen:-

1-Cabdi Bare Xuseen
2-Saalax Axmed Xuseen
3-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
4-Cabdi Raxiin Cabdi Abiikar
5-Maxamed Amiin Xasan
6-Nadiifo Maxamed Cusmaan
7-Faadumo Nuur Maxamed
8-Bishaar Ugaas Ibraahim
9 -Sooyaan Cabdi Warsame

Xilli ay doorashada Madaxweynahu dhacayso 10-ka bishaan ayaa waxaa weli qabyo ah boosaska Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here