Xildhibaannada cusub oo lagu wado in maanta lagu dhaariyo Garoonka A. Cadde

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galinka dambe ee maanta la filayo in la dhaariyo in ka badan 220 xubnood oo ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in kulanka baarlamaanka uu ka dhacayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira ammaanka, waxaana shir guddoomin doona mudanaha ugu da’da weyn oo xildhibaannada ay iska soo dhex xulan doonaan.

Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo isugu jira milateri iyo boolis ay gaaf wareegayaan hareeraha waddooyinka.

Guddiga farsamada soo xulidda xildhibaannada ayaa sheegay in ilaa hadda ay diyaar yihiin 225 xildhibaan – kuwaasoo ka badan tirada ugu yar ee fadhiga baarlamaanka uu ku ansixi karo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here