Xildhibaannada Baarlamaanka waa in ay iska dhaafan Laluush Qaadashada iyo Qabyaalada

Dahir-Mohammed-458x500Dowlad walba oo loo dhiso Soomaaliya waxay noqotey mid lugu tilmaamo in ay tahay Dowlad musuq maasuq ah, waxaad aqleeysa lacag badan ayaa la dhacay ama lacag laaluush ah ayaa la siinaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maalmaahan waxaa Xukunka isku heysta Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihiisa mudane Cabdi Faarax (Saaciid) tan kale waxaad maqleeysa in qodobo ka mid ah Dastuurka in la isku heysto, hase yeeshe wax walba waxay leeyihiin meel loo noqdo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga rabey:

1- In Dastuurka la isku heysto wixii qalad ah ee ku jira ay saaraan

2- In ay la dagaalamaan musuq maasuqa ka jira Dowladda dhexdeeda

3- In ay mar walba saxaan wixii Qalad ah ee Dowladda dhexdeeda soo gala

4- In ay Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaraha u sheegaan Qof kaste wixii Shaqadiisa ah iyo Wixii aan Shaqadiisa aheyn

5- In ay u doodaan Xaquuqda ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed

6- In ay iska Ilaaliyaan in ay saxiixaan Hashiisyo Qiyaano Qaran ah, qodobo kale oo aanan halkaan kusoo koobi karin.

Beryahaan waxaad war baahinta ka maqleeysa Xildhibaano la safan Madaxweynaha oo dhahaya “Lacag i sii anigaa Ra’iisal wasaaraha Xukunka ka ridaayo”, iyo Xildhibaano kale oo dhahaayo “Ra’iisal wasaare, aanaaga ku difaaceeno ee maxaad noo ogoshahay oo lacag ah?”

Waxaa danbi weyn ah in Qof mas’uul ah uu Laaluush Qaato, maxaa yeeley waa arrin ceeb ah oo Sharaftaada iyo mida Shacabka aad mas’uulka aad u tahay ayaad meel ugu dhaceeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha waxa meesha keenay waa Xildhibaanada Soomaaliya, marka waxaa loo baahan yahay marka hore in Xildhibaanada ay iska dhaafaan Laaluushka iyo Qabyaalada.  Tan kale, waxaa iyana fool xumo kale ah in xildhibaanadii qaranka ay kala raacan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay Maamul Wanaagsan iyo Hoggaamin (Good Management and Leadership.)

Mahad Sanadiin.

Mr. Dahir Mohammed Sheikh

Email: dahirms@gmail.com

Nairobi, Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here