Xildhibaanki ugu horeeyey ee ka tirsan Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa caawa Muqdisho lagu dilay

Rag hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Mustaf Xaaji Maxamed Macalin ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray madaxa kaasi oo ay u geysteen rag ku hubeesnaa bistoolado xilli uu joogay banaanka gurigiisa oo ku yaala xaafada Cali Boolaay.

Sida wararku sheegayaan xildhibaan Mustaf ayaa dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Dilka xildhibaankan ayaa ah kii ugu horeyey ee loo geysto mudanayaasha baarlamaanka cusub ee dalka uu dhawaan yeeshay, baarlamanki ka horeeyey waxaa ka dhintay mudanayaal ka badan 15 ruux oo sababsaday gacanta Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. waxaan fariin guud u diraya ummadda somaaliyeed iyo dowladda usub.aniga waxaan dhihi lahaa dagaalkan guud ee Gobol gobalka looma baahna.Waxaa loo baahanyahay in la soo qabto tobanka nin ee shashka wadata oo madaxda u ah Alshabaab waa kuwa habeen iyo maalin u dhiga BAMKA ummadda soomaaliyeed.Aniga waxaan dhihi lahaa Jaalle Madaxweyne ummadda ka aruuri Hubka ay ku heestaan guryohooda Magaalooyinka dowlada gacanta ku heyso (dil , xabis da’in , qofkii lagu arku hub isagoo heysto mudada loo qabto ka dib).
    Waxaan tacsiya u diraya dadka Muslimiinta ah oo dadkooda Bamka loo dhigay, waxaan leeyahay soo” Aarsda “waa ogtihiin qofka sidaas idiingalay waa Madaxa Alshabaab oo idinla jooga Xamar, Kismanyo , Marka , Baraawe, Afgooye. waa tobon nin oo Shaash madax u saaranyahay oo Caan ku ah in ay dadku dilaan ku faana.
    waxaan idiin qabtay Muddo soddon maalmood in add ku dhameysaan arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here