Xildhibaanka Yuusuf Xasan oo cambaareeyay qaraxyadii Islii

Xildhibaanka Yuusuf Xasan oo cambaareeyay qaraxyadii Islii
Xildhibaanka Yuusuf Xasan oo cambaareeyay qaraxyadii Islii

Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi ayaa cambaareeyay qaraxyadii habeen hore ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Isagoo la hadlaayay xildhibaan Yuusuf  Xasan warbaahinta ayuu sheegay in qaraxyada ay dhaceen xilli ay Soomaalida deggan xaafadda Islii ku tashadeen inay wax ka qabtaan dhibaatada nabadgelyo la’aanta ee ka jirta xaafadda.

Xildhibaanka ayaa intaaas raaciyay inuu aaminsan yahay in ay jiraan xoogag ujeeddadoodu ay tahay inay maja-xaabiyaan oo ay baabi’iyaan, isla markaana ay barakiciyaan dadka Soomaalida ee degan xaafadda.

Wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay ka codsan doonaan inay badbaadiso nabadgelyada, nolosha iyo hantida dadka Soomaalida ah ee Islii deggan.

Lix qof oo labo ay Soomaali yihiin ayaa ku dhintay qaraxyo labo ahaa oo xalay ka dhacay xaafadda Islii, iyadoo howlgallo ay ciidamada sameeyeen lagu xiray dad ka badan 600 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here