Xildhibaanadii ugu badnaa oo xalay Muqdisho Kullamo xasaasi ah ku yeeshay

Magaalada Muqdisho gaar ahaan hoteelada ayaa waxaa xalay laga dareemayaa qaban qaabada ku aadan kala-fadhiga Baarlamaanka 10,aad kulankiisa 2,aad oo Beri ka furmaya Magaalada muqdisho.

Xildhibaanadii ugu badnaa ee ebid ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho si ay uga qeyb galan kulanka Baarlamaanka oo ka duwan kulamadii caadiga ahaa.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa la filayaa in uu kulankaas furo,waxana xildhibaanada qaarkood la sheegay in ay mooshin ka keeneen Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hotelada ku yaalla Muqdisho qaarkood ayaa waxaa Caawa shirar kala duwan ku leh Xildhibaanada labada Aqal ku waas oo ka hadlaya qaabka qof walba uga qeybgeli doono kulankaas.

Xigasho: Dalsan Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here