Xildhibaanadi xilka ka qaaday Sharif Xasan oo uu kulan uga socdo Golaha Shacabka

Mudanayaashi xil ka qaadista ku sameeyey gudoomiyaha baarlamaanka ayuu hada kulan uga socdaa Guriga Umada ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan ayaa saakay aroorti loo diiday in ay gudaha u galaan xarunta si ay ugu kulmaan, hase yeeshee marki danbe ayaa loo ogolaaday ka gadaal makri ay soo bateen.

Kulanka baalrmaanka ayaa waxaa kasoo baxayo warar is qilaafsan ajnadyaaasha ay uga hadli doonaan.

Xildhibaanada qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay ka hadlayaan sida ay ka yeelayaan arinta Sharif Xasan oo hada baarlamaanka uga qeybgalayo shirka wada tashiga ee maanta ka furmayo magaalada Garoowe.

Xildhibaanadaan ayaa xilki ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka 13-ki bishaan kadib marki ay ku eedeeyeen inuu ku tuntay shuruucda baarlamaanka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.