Xildhibaanadi xilka ka qaaday Sharif Xasan oo go,aano soo saaray

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen xildhibaanadi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka ayey ku sheegeen in sida ugu dhaqsaha badan ay u magacaabaan laba gudi.

Shir gudoonka cusub ee baarlamaanka Madoobe Nuunoow Maxamed oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay sameyn doonaan laba gudi oo kala ah gudiga doorashada iyo gudiga amaanka doorashada.

Gudiyada oo lagu dhawaaqi doono maalmaha soo aadan waxay xooga saarayaan ka shaqeynta iyo dar dar gelinta howlaha ku aadan doorashada gudoonka cusub ee baarlamaanka taasi oo ah shaqo aanan xiligaan fududeyn.

Gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Adan ayaa wali diidan xil ka qaadisti ay ku sameeyeen in ka badan 250 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wali waxaa socda wada hadalo ay garwadeen ka yihiin xubno ka socda beesha caalamka oo shalay siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda dowlada iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com