Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya hala dhaar celiyo: Qalinka Mowliid Xaaji Cabdi

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya

Sanadkii 2012-kii ayey aheyd markii duqeyda dhaqanka beelaha Soomaalida soo xuleen 275 xubnood oo ka mid noqonaya baarlamanka cusub ee Soomaaliya, xiligaasi oo loo jihaysnaa in dalka laga saaro nidaamkii kumeel gaarka ee soo taxnaa laga soo bilaabo 1991-kii markii ay meesha ka baxdey xukuumadii Military-ga, iyadoo wixii sanadkaas ka dambeyey la qabtey kuwaad 10 shir oo midba si kala duwan loogu soo dhisay xukuumaddo ay soo dooranayeen madaxdooda xubnaha Baarlamanka.

Baarlamanka cusub oo laga sugayey in uu wax badan ka duwanaan doono kuwii hore maadama uu ku soo aaday waqti dunidu si weyn ugu soo indho taageyso arimaha Soomaaliya, lana go’aamiyey in dalka lagu jiheeyo dhabbe cusub oo ah dawlad rasmi ah, waxaa kale oo uu baarlamankan kaga duwanaa kii hore marnaanta gacmo shisheeye oo baarlamanadii hore go’aanka uggu dambeeya xubnaha iskalahaa kuwaasi oo cidii ay u arkaan in ay dadka ay wataan maqaam gaaristooda halis galin kara si fudud liiska uga saari jirey.

Baaralamanka cusub waxaa kale oo uu kaga duwanaa kuwii hore in xulashada xildhibaanada ay ka dhacdey gudaha wadanka maadama doorashadii 2012-kii ay dalka gudihiisa ka dhacdey, taasi oo ay dhabaha u soo xaareen doorashadii xubnaha baarlamanka
.
Waa la mood noqonse wayday xildhibaanadii cusbaa ee loo haynka waynaa waxaa lagu fiiqay farta markii ugu horeysayba , farmuuqaas oo ay ugu horeysey in lagu soo doortey nin jeclaysi, laaluush, garab taabasho, iskooxaysi iyo dano kale oo biyaha hoostooda ka socdey.

Muran iyo isjiid jiid badan ka dib waxaa la dhaariyey xildibaanadaas kuwaasi oo loo dhaariyey inay danta dalka, diinta iyo dadka daacad u noqdaan, balse dhaartaasi waxay noqotey hal bacaad lagu lisay oo waxay ku soo biyo shubteen u adeegida danahooda gaarka ah, tan qabiiladooda, Isbahaysi kooxeedyadooda iyo dano kale oo ay ka mid yihiin u adeegid shisheeye iyo cadow.

Dhaarta xildhibaanadu sida dastuurka durran ee ugu dambeeyey ku xusay waxay u dhaaranayaan sidan “ Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka”.
Dhaar waynu ognahay waa magaca ILAAHAY oo aad ku dhaarato in wixii lagu dhaariyey aad uga soo baxday sida ay tahay, haddii wixii aad ku dhaaratey aad hareer marto macnuhu waa in dhaartii aad jabisay oo RABBI Subxaanuhu Watacalaa aad dambi ka gashay, dambigaas oo Rabbi ogyahay, umadduna ogtahay.

Danta, dalka, dadka iyo diintii ay u dhaarteen xildhibaanadu ma u noqdeen daacad ?

Waa su’aal iswaydiin mudan, intase jawaabta aan u galin, waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheeko ka dhacdey gobol ka mid gobolka dalka oo nin tuug ah uu kitaab isku jiiday iyo wixii ka dhacay halkaasi.

Xili abaar xun ay deegaankaas ka jirtey, dadka iyo duunyaduna la daciifsan yihiin saameynta abaarta ayaa nin ka mid ah dadkii deegaanka wuxuu maalin maalmaha ka mid ah xadey neef Ari ah oo xoolo uga soo haray cid ku cayrtowdey abaarta, neefku wuxuu u ahaa naf ilmo iskuma qado ah oo reer abaareed u joogay, ninku xishood iyo ALLE ka cabsi xagiisa way ka dhamaadeen neefkii ayuu horey u watey, markii la iswaydiiyey neefkii ee baadi goob loo galey, wax la baadi goobaba neefkii xaddistiisii (xatooyadiisii) wuxuu salka la gakey ninkii odeyga ahaa shaki ayaa xagiisa hareeyey, taasi oo keentey in ninkii neefka lahaa iyo ninkii tuhunku xagiisa galey gorada isla galaan kala qabtooy iyo kala dhacsha ayaa la isugu soo baxay.

Ninkii neefka lahaa wuxuu soo istaagay nin neefkii ha isiiyo ama isaga iyo aniga nin ayaa god galaya, halka kii kale ee la tuhunsanaa uu Maya iyo ma arag maciinsadey.

Waa xaajo u baahan waxgarad iyo qaboojin’e waxaa ninkii la waayey in uu qirto in uu neefka xadey amase uu dhaarto, Tuug dhaar l fudud’e ninkii wuxuu si fudud waxgaradkii ugu sheegay in uu diyaar u yahay in uu kitaabka madaxa ka jaro (dhaar), kitaab ayaa la soo qabtey ninkii ayaa gacanta loo saarey, isaga oo aan xaga iyo xaga midna eegin oo ka libiqsan ayuu xuf isku siiyey waana lagu kala tagey.

Waa aduunyo wacadaro wadatee ninkii dhawr saacadood ka dib mucjiso Rabaani ah ayaa u timid hadii uu fadhiyo,hadii uu taagan yahay, hadii uu jiifo ama hadii uu socdo intaba waxaa daadanaysa xawadii raganimo (Minadda raga), waa la isku yimdi Culimo iyo caamo ninkii xaalkiisa waa laga dayriyey waxayna sheekadii gaartey meel walba.

“Ninka hala dhaar celiyo”

Nin waxgarad ah oo ka mid ahaa duqeyda deegaanka ayaa warkii gaaray, waxaana loo sheegay arinta dhacday iyo sida ay ku bilaabatey, fariin ayuu soo diray, wuxuuna yiri “Ninka hala dhaar celiyo”, wuxuu ula jeedaa in ninkaasi uu been ku dhaartey ha ku dhaarto yacni in uu neefka xadey oo uu been ku dhaartey ha ku dhaarto.

Fariintii ninka ayaa la soo gaarsiiyey dadkii ka ogdhawaa ninkii beenta ku dhaartey talo waxay ku biyo guratey in ninkii tuuga ahaa dib loo dhaariyo oo lagu dhaariyo in uu been ku dhaartey, markii sidaasi la sameeyey mudo ka dib waa qiso ALLE watee ninkii sidii ayaa cudurkii uga bugsadey, neefkiina uu soo celiyey.

Qisadan waxaan ula jeedaa xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed ee kitaabka inta gacanta saarteen haf ka siiyey waxay la daris yihiin ninkii la dhaarceliyey, waayo dhaartii ay mareen sida ay u hareer mareen jawaabta iyadoo kooban aan idiin siiyo.

1: Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyeed markii la doortey ee iyaguna bilabaeen in ay waxdoortaan wixii uggu horeeyey ee ay ku dhaqaaqeen waxay aheyd inay gacmaha laaluush ku shubteen oo ay kii xoogaa haystaba ku balamiyeen codkeyga adigaa leh, wixii dhacayna waa loo wada marqaati “Magaalo waa madal inta joogtaanna waa marqaati”.

2: Waxay ku dhaarteen in ay danta dalka ilaaliyaan, laakiin tan iyo markii la doortey waxay noqdeen xildhibaanadu kuwa afka iyo indhaha ka qabsada kala googa’a dalka iyagoo dhiiri galiyey in midnimadii dhuleed ee ay u dhaarteen ay danta qabiiladooda kala dhantaalo, taasi oo hurisay colaad hor sii fogeysay rajadii dawladnimo ee la qabey.

3: Waxay raali ka noqdeen in dawaldu gasho heshiisyo halis ku ah qaranimada, madaxbanaanida iyo mustaqbalka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo eegaya danahooda gaarka ah sida dhaqaale iyo xilal.

4: Waxay ka amuuseen qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo wadamo shisheeye sidii ay doonaan ugu taliyaan, iyagoo qaarkood gobolada dalka ka sameystey safaarado iyo qunsiliyado.
5: Waxay qaarkood si bareer ah uga qayb qaateen dagaalada dalka ka socda, iyagoo la safety beelahooda iskana ilaaway dhaartii ay mareen.

6: Waxay ka gaabiyeen in ay kula xisaabtamaan ama ku dhiirigaliyaan xukuumadda dhismaha ciidan Soomaaliyeed, iyagoo door biday in halkii ciidan Soomaaliyeed uu amnigooda sugi lahaa ka jeclaaday in ciidamo ajanabi ah ilaalo ka qabtaan Hoteel-nna ku jiraan
.
7: Waxay hadba lakala saftaan madaxda sare ee dalka marka ay is qabtaan sidii dhacdey khilaafkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isalwasaarihii iyagoo eeganaya danahooda shakhsiga ee ay ka dhex arki karaan khilaafyada halkii ay kala saari laaheeyn si dastuurka duran ku xusan.

8: Iyadoo baddaha Soomaaliyeed buuxdhaafiyeen ku dhawaad 100 markab oo hubaysan oo aan la ogeyn waxa ay ka wadaan biyo badeedka Soomaaliyeed, qaar kale oo kaluumaysi sharci daro ah wata, iyo kuwa sun iyo qashin ku daadinaya badda ayay xildhibaanadu ku jiraan shilimaad urursi iyo u hanqaltaag wasiir iyo wasiir kuxigeen ama meel ka sii sareysa.

9: Waxay xildhibaanadu ku fashilmeen inay ku dhiirigaliyaan kulana xisaabtamaan xukuumadda in ay dalka ku soo dabaasho dib u heshiisiin, halkii dib u heshsiin laga filayey waxaa sii xoogeystey dagaalada qabaa’il iyo colaada dalka ka aloosan.

10: Waxaa mugdi sii galaysa rajadii laga qabey in dalku u gudbo nidaam doorasho xor ah oo qof kasta codkiisa dhiibto, halkii taasi la filayey oo aheyd waajibaadkii xildhibaanada waxaa gabi dheer ka sii laadlaadaya in 2016-ka marka ay dhamaato mudada hay’adaha dawliga ah ee dalka in lagu soo dhaco meel cidlo ah oo dalkuna galo fawdo iyo jahwareer hor leh.

Hadaba intaasi oo arimood hadii ay xildhibaanadku ku sifoobeen oo ay hareer mareen dhaartii saw lama joogo xiligii la dhaarcelin lahaa oo ay ku dhaaran lahaayeen inay ku dhaarteen been?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here