Xildhibaanada is qilaafsan ee baarlamaanka oo laga cabsi qabo in maanta ay isu gacan qaadaan

Mudanayaasha baarlamaanka ee iska soo horjeeda ayaa saakay qolaba isku balansatay kulan ay ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kooxda taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay iclaamiyey in ay saakay ku kulmayaan xarunta baarlamaanka, halka mudanayaasha xilka ka qaaday Shariifka ay iyana xalay sheegteen in ay kulan leeyihiin.

Saakay aroorti hore ayaa mudanayaal badan oo ah kooxda gudoomiyaha u dooratay Madoobe Nuunow tageen xarunta Golaha Shacabka iyaga oo wacad ku maray in ay dagaal gadan ka hadal ah la gali doonaan hadii ay yimaadaan kooxda kale ee xildhibaanada.

Waxaa aad loogaga baqayaa in uu buuq ka bilowdo ama ay isu gacan qaadaan marki shanaad, iyadoo la xasuusto fadhiyadi lasoo dhaafay ee baarlamaanka in uu ka dhacay dagaal gacan qaada ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.