Xildhibaanada Hirshabelle oo maanta la dhaarinayo

jowhar4War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabada xaflada lagu dhaarinaayo xildhibaanada maamulka Hirshabelle.

Hoolka weyn ee shirka maamulka uu ka socdo ayaa waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay iyadoo la filayo in xaflada dhaarinta uu ka soo qeybgalo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Inkastoo xildhibaanada baarlamaanka la isugu yeeray hoolka shirarka ayaa hase ahaatee waxaa weli ku sugan hoolka shirarka iyo guryihii ay degi lahaayeen xildhibaanada ergadii ka qeybgashay shirka oo diidan inay ka baxaan iyagoo dalbanaya qarashaadkii ku baxay muddo sagaal bilood ahoo ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here