Xildhibaanada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo Muqdisho lagu dooranayo

dhagay-2-640x363Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goobta lagu soo xulaayo xildhibaanada gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Md:Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Md, Cumar Dhagay ayaa sidoo kale xusay in odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn u soo dhawaynayaan in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Hadalkan ka soo baxay Guddiga Federaalka ee doorashada dadban wuxuu meesha ka saarayaa khilaaf laxiriiray halka ay ka dhacayso doorashada xildhibaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here