Xildhibaanada garabka Madoobe Nuunoow oo bilaabay qabashada araajida musharaxiinta xilka madaxweynaha

Xildhibaanada baarlamaanka ee aaminsan in Madoobe Nuunoow uu yahay afhayeenka Golaha Shacabka ayaa maanta ku dhawaaqay in ay bilaabeen qabashada araajidada murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Gudi ay dhawaan u magacaabeen qaban qaabada doorashada ayaa saxaafada u sheegay in qabashada araajida ay bilaaban doonto maanta oo ah 7-da April kuna ekaan doonto 21-ka.

Xildhibaan Ismaaciil Axmed oo ah gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa saxaafada u aqriyey jadwalka doorashada iyo waxa laga rabo qofka musharaxa ah.

“Waxaan soo saarnay jadwalki iyo habki ay doorashada u dhici laheyd, waxaan doorashada qaban doonaa 30-ka bisha April, myarashaxiinta waxay soo gudbin karaan araajidooda laga bilaabo 7-da bisha oo maanta ku beegan ilaa 21-ka bisha Apri, shuruudaha qofka madaxweyanha u tartamayo waa inuu yahay qof muwaadin Soomaali ah, in da,diisu aysan ka yareyn 40sano, inuu yahay Muslim, inuu dhimirkiisu taam yahay, horay inaanan loogu xakumin danbi culus, inuu karti leeyahay, inuu soo gudbiyo codsi iyo CV-giisa, laba sawir iyo gal, iyo inuu bixiyo lacagta diiwaan gelinta oo ah $2,000,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ka war dhowraya sida ay wax u noqdaan xildhibaanadaan oo aanan heysan taageerada dowladaha gobolka, Qaramada Midoobay iyo taageerada shacabka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.