Xalimo Yarey “Xildhibaanada Cusub Oo Kaararkodi beri loo qeybin doono ” Dhageyso

Xildhibaanada xalay lasoo saaray liiskooda ayaa berito  loo qeybin doonaa kaararka aqoonsiga.

Gudiga odayasha soo xulista baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in ey maanta oo sabti ah ey qeybin doonaan kaararkii cadenayay in ey yihiin xildhibaano

Mid ka mid ah odayaasha soo xulay xubnahan oo magaciisa lagu magacaabo Malaaq Cali C/raxmaan Shiino ayaa sheegay in xaly ey ku dhawaaqeen liiska xubnahan iyagoo dhibaatooyin badan ka soo maray qaabka wax loo xulayay waxoo kaloo sheegay in maalinta beri kaararka aqoonsi ey qaadan doonaan xubnahan iyagoo isniinta ey soo saari doonaan waqtiga doorashada madaxweynaha iyo mida gudoomiyahabaarlamaanka.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xalimo Yarey) La Gudoomiyaha Gudiga  Farsamada Barlamaanka Dhageyso Wareysigeeda 

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/xalimo.mp3″]

“Waa guul umada soomaaliyeed u timid waxaa la gaaray waqtigii soomaaliya ee noqon laheed soomaalidii bari samaadkii sida ey isku duubnyaayeen”

Arintan ayaa noqoneesa mid fududeneysa qaaba doorashada soomaaliya u dhici laheed iyadoo doorashada waqtigeeda ey ka harsantahay mudo gaaban baarlamaanka ayaa axada kulankoodi ugu horeeyay u furmi doonaa maalinta isniintana waxaa ey soo saari doonaan waqti doorasha ey dhici doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here