Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar sadexaad gacmaha isula tagay

Kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Guriga Umada ee Magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo gacan ka hadal.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xildhibaanadi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka, waxaana ajandaha loogaga hadlayey uu ahaa sidi ay u dooran lahayeen gudoomiye cusub.

Hase ahaatee marki ay yimaadeen mudanayaal badan oo isla markaana ay saxiixeen warqadaha xaadirinta ayaa waxaa goobta soo tiigsaday xildhibaano taageersan gudoomiyaha baarlamaanka.

Mudanayaashaan oo gaarayey labaatameeyo ayaa waxaa marki hore u diiday in ay galaan xarunta ciidamada AMISOM ee ilaalada ka hayey xarunta baarlamaanka iyaga oo ka baqayey in ay rabshado sameeyaan, balse marki danbe xog ayey kusoo galeen.

Wariyaha Midnimo.com ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in xildhibaanadaasi marki ay gudaha usoo galeen ay bilaabeen in ay jeex jeexaan warqadaha ay saxiixaan xildhibaanada kadibna ay isku dhex yaaciyeen kuraasta baarlamaanka, intaasi kadib ayaa waxaa bilowday buuq iyo gacan ka hadal.

Xildhibaanada fadhiga lahaa oo labadi kulan ee ugu danbeysay weeraray kuwa taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta u muuqday kuwo dagan waxaana weerarka maanta uu ku socday dhankooda.

Kulanka ayaa ugu danbeynti la xiray, waxaana oo xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo ah gudoomiyaha qaban qaabada doorashada uu sheegay in shirka lagu qaban doono xarun aanan aheyn Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.