Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta mar kale isugu yimaadaan fadhi ay kaga doodayaan miisaaniyada saddex bilood ee sanadka ka dhiman.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay soo aqrisanayeen nuqulo miisaaniyada ah oo ay dhowaan u qeybisey wasaarada maaliyada waxaana lagu wadaa in maanta ay ansixiyaan xubnaha baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankii hore guddi u saaray miisaaniyada saddexda bilood waxaana lagu wadaa in guddigan uu maanta warbixin siiyo xubnaha baarlamaanka.

Miisaaniyadan ayaa wali la soo bandhigin, qiimaha ku baxaya dowladda, gaar ahaan Xafiiska Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Xukuumada.

Baarlamaanka ayaa todobaadkii hore ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon, kaasoo aan wali soo dhisin Golihiisa wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here