Xildhibaanada baarlamaanka oo haatan cod u qaadayaa gudoomiyaha baarlamaanka

Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda xiligaan doorasho ay xildhibaanada kusoo dooranayaan gudoomiy cusub.

Doorashadaan oo kusoo aadeyso xilli uu dalka ka jiro gudoomiye baarlamaanka ayaa ka danbeysay kadib kulan ay saakay isugu yimaadeen mudanayaasha oo ay xilki kaga qaadeen gudoomiye ku xigeenki koowaad isla markaana ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah mudanayaasha taabacsan afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ka hor inta aysan bilaaban cod bixinta ayaa waxaa qudbado ku saabsan taariikhdooda iyo waxqabadkooda kasoo jeediyey baarlamaanka hortiisa ilaa iyo shan murashax oo u taagan xilkaasi.

Hada waxaa socota cod bixinta wareega labaad ee baarlamaanka, hase yeeshee waxaa ka haray oo ka tana sulay tartanka hal musharax, waxaana isugu soo haray afar kale oo ay ugu cad cad yihiin musharaxiinta kala ah Xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Sheekh Nuur Cali Aadan.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com