Xildhibaanad Seynab ” Wax Weyn ayaa u Dhaxeeya Xildhibaanadan Cusub iyo Kuwii Hore Ee KMG”

Xildhibaanda cusub ee baarlamaanka fedraalka soomaaliya qaar ka mid ah ayaa carabka ku dhuftay in ey kala duwanyihiin baarlamaanka cuasub ee soomaaliya iyo kuwoo hore.

Xildhibaanad Seynab oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka cusub horayna ugu mid ahayd baarlamaankii hore ee KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in farqi weyn uu u dhexeeyo Xildhibaanada cusub iyo kuwii hore.

Seynab waxa ay tilmaamtay in xubnahaani sharci dayaasha ah iyo kuwii horey ay ku kala duwan yihiin in kuwa cusub ee hadda ku jira baarlamaanka ay yihiin kuwa rasmi ah.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqday fanaaninta Soomaaliyeed inay ka joojiyaan xildhibaanada heesaha sumcad dilka ah oo ay midkaan cusub soo saaraan heeso ay ku soo dhaweynayaan oo sharciga ay ugu tilmaamayaan.

Xildhibaanad Seynab ayaa intaasi ku dartay hadii baarlamaanka cusub uu dooranayo guddoon cusub aysan dooran doonin mid burbur ku keenaya awooda xildhibaanada, ayna dooran doonaan guddoon oo sharciga ku dhaqa Shacabka Soomaaliyeed.

” Xildhibaanadan cusub iyo kuwii hore ee TFG-da wax weyn eyeey ku kala duwanyihiin kuwan hada joogo wey tiro yar yihiin weyna ka aqoon ficanyihiin kuwii hore sababtoo ah waa Xildhibaano si qaas ah loo soo xulay”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here