Xildhibaanad Khadiija: “Miisaaniyada la Celiyay kuma Cadeyn Mushaaraadki Xildhibaanadii Hore”

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay dib u celintii Miisaaniyada Dowlada ee sanada 2013-ka.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in miisaaniyada la celiyay aysan ku cadeyn mushaaraadka xildhibaanadii Dowlada KMG Soomaaliya, kuwaasoo loo balan qaaday in la siinayo xuquuqdii ka maqneyd.

Khadiijo ayaa sheegtay in miisaaniyada lagu cadeeyay Mushaaraadka ciidamada Dowlada, balse aan lagu cadeyn mushaaraadka baaralamaanki hore.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in ahmiyada koobaad iyo tan labaad uu leeyahay amniga, si bay tiri Afar sano kadib loogu dareero doorasho xor ah.

Gaba gabadii hadalka xildhibaanada ayay ku soo afmeertay in wasaarada maaliyada iyo xukuumada Soomaaliya ay soo diyaariyaan miisaaniyad wanaagsan oo lagu qanci karo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here