Xildhibaan xalay lagu dilay degmada Baargaal ee gobolka Bari

Waxaa xalay degmada Baargaa lagu dilay xildhibaan Bile Maxamed Yusuf oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland.

Dilka xildhibaanka ayaa ka danbeeyey marki ay isku dhaceen ilaadiisa iyo ilaalada koontaroolka laga soo galo magaalada, waxaana rasaasti la is weydaartay ay dishay xildhibaan Bile sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha deegaankaasi.

Axmed Gureey oo ah gudoomiyaha degmada Baargaal waxa kale oo uu sheegay in iska hor imaadka ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo sadex ka mid ah ay ahaayeen ciidamadi la socday xildhibaanka la dilay.

Waxa uu ka gaabsaday sababaha ay u dhaceen dhibaatada intaasi la eg, hase yeeshee wuxuu ku adkeystay in ay hada socdaan baaritaano isla markaana ay baari doonaan.

Degmada Baargaal ayaa waxa ka arrimiyo maamul isku magacaabay Raas Caseyr oo sheegtay inuu ka go,ay maamulka Puntland.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.