Xildhibaan Sheekh Nur Cali Adan oo isu soo sharaxay xilka gudoomiyaha baarlamaanka

Xilli uu wali gudoomiye ka yahay baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa maanta si la yaab leh ugu dhawaaqay inuu xilkaasi isu soo taagay xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan.

Xildhibaankaan oo ka mid ahaa mudanayaashi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka 13-ki bishaan ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya isaga oo aaminsan in Shariif Xasan uu hada yahay mudane ka tirsan baarlamaanka.

“Maanta waxaan ku dhawaaqayaa inaan isu soo taagay xilka gudoomiyaha baarlamaanka, waxaan aaminsanahay in aan wax weyn ka badali doono siyaasada baarlamaanka kuna soo kordhin doono horumaro balaaran,” ayuu yiri.

Arintaan ayaa waxaa si weyn ula yaabay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed maadaama marka laga eego dhanka sharciyada uu gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan yahay afhayeenka baarlamaanka.

Dhanka kale xildhibaanada ku  kacsan gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM iyaga oo ka codsaday in ay u furaan xarunta Golaha Shacabka oo hada u xiran wasaarada arrimaha gudaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.