Xildhibaan sharci daro ku tilmaamay caleema saarka Axmed Madoobe

jeesowXilidhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka baarlamaanka ayaa sharci daro ku tilmaamay caleema saarka madaxda maamulka KMG ah ee Jubba, taas oo shaley ka dhacday magaalada Kismaayo ee xaryxarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isgaoo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in qaabka loo caleema saaray madaxda maamulka Jubba iyo sidda loo weyneeyay uu ahaa mid sharci daro ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in aan la baalmarin dastuurka sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in maamulkaas uusan ahayd mid waa faqsan dastuurka isla markaana aan la dhihi karin madaxweyne iyo wasiiro ayuu lee yahay maamulka KMG ah ee Jubba.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Kismaayo lagu qabtay xaflad lagu caleema saaray maamulka Axmed Madoobe, waxaana ka qaybgalay wufuud ka socotay dalalka Kenya iyo Itoobiya, xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wafdi ka socda Puntland, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub  iyo Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here