Xildhibaan Shaacir oo ka hadlay dhaawaci kasoo gaaray fadhigi baarlamaanka ee shalay

Xildhibaan Sheekh Shaacir oo ka mid ahaa mudanyaal shalay lagu weeraray kulanki baarlamaanka ee shalay ayaa sheegay inuu kasoo gaaray dhaawac culus.

Sheekh Shaacir oo ah nin wadaad ah caana ku ahaa furitaanka fadhiyada baarlamaanka ee aayadaha Qur,aanka Kariimka ah ayaa sheegay in ay ku goobteen ilaa iyo 10 xildhibaan kadibna ay laba meel ka daqreen madaxiisa.

“Aniga dad badan baa i weeraray madaxweyga laba meel ayaa laga daqray, lix qodob ayaa hada la igu tolay oo dhaawacaas ayaa i gaaray, hade waad garan kartaan danbiga leyga galay inta uu la egyahay dhiigeyga ayaa la daadiyey,” ayuu yiri.

Xildhibaano ka badan 20 oo taageersan gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa shalay xoog loogaga saaray fadhigi baarlamaanka ay ku yeesheen guriga madaxtooyada.

Kulankaasi oo uu dhir gudoomiyey gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble ayaa mar kale ay gacmaha isula tageen mudanayaasha, waxaana marki danbe ay isku raaceen in lasoo magacaabo gudi kasoo shaqeeyo doorashada gudoonka cusub ee baarlamaanka.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa shalay ka sheegay shirka wada tashiga ee magaalada Garoowe in waxa Muqdisho ka socdo ee ay wadaan baarlamaanka aanan loo dul qaadan doonin.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in ay xilki ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka, laakin madaxda dowlada iyo beesha caalamka ayaa arintaasi kasoo horjeestay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.