Xildhibaan saakay lagu dilay Garowe

Xildhbaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa saakay lagu dilay magaalada Garoowe.

Laba nin oo la sheegay in ku hubeesnaayeen bistoolado isla markaana wajiyada soo duubtay ayaa qaarijiyey xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Sheeybe Sheekh Maxamuud xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafada 1-da August.

Sida ay sheegeen dad goob joog ah xildhibaanka ayaa marki goobta ku dhintay marki ay rasaasta uga dhacday qoorta, waxaana markiiba loo qaaday gurigiisa oo aad ugu dhawaa masaajidka.

Ciidamada amaanka ayaa haatan howlgalo ka wada goobta uu dilka ka dhacay hase yeeshee ma jirto wali cid ay usoo qabteen.

Mudanaha la dilay ayaa baarlamaanka Puntland ku biiray marki uu maamulka hayey madaxweynihi hore Cade Muse.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here