Xildhibaan reer Kenya oo sheegay qoxootiga in la dhibaateeyo

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Kaddib markii howgallo ballaaran laga sameeyay xaafadda Islii ee magalada Nairobo oo lagu qabqabtay Soomaali badan waxaa arintaas ka hadlay xildhibaan reer Kenya ah.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha isbaheysiga aqlabiyadda ku dhex leh baarlamaanka Kenya ayaa tilmamaay in aanay jiri doonin dad qaxooti ah oo si khasab ah looga rarayo magaalooyinka dalka Kenya.

Wuxuu xusay inay dowladda Kenya saxiixday iyadoon la khasbin heshiiskii Vienna, sidoo kalena ay dhowaan heshiis saddex-geesood ah oo arrimaha qaxootiga ku saabsan la saxiixatay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR, kaas oo dhigayay in dib u celinta qaxootiga aysan ku imaan si khasab ah.

Xildhibaanka oo la hadkaayay BBC-da ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo dhibaateenta lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalak Kenya

Wuxuu ku celceliyay in inta ay xilka hayaan aysan oggolaan doonin in lagu xadgudbto dadka Soomaalida ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here