Xildhibaan Nuur Mataan oo Nairobi ku geeriyooday

Xildhibaan Nuur Mataan Cabdi oo ka mid ahaa mudanayaasha ugu caansanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa u dhintay xanuun ka haleelay wadnaha kaasi oo uu maalmahan u jiifay isbitaalka magaalada Nairobi.

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Cabdi oo ay saaxibo dhaw ahaayeen ayaa sheegay in geerida Nur Mataan ay aad uga naxeen, isaga oo ku sifeeyey nin qalai ku ahaa dhamaan inti taqaanay.

Marxuumka ayaa hormuud u ahaa howlgaladi ay ciidamada dowlada ku qabsadeen inta badan gobolka Gedo, isaga oo marki uu xanuunsanayeyna ku sugnaa magaalada Balad Xaawo.

Baarlamaanka wuxu ku biiray sanadki 2004 dowladi lagu soo dhisay Imbagathi isaga oo horayna uga soo shaqeeyey ciidamada xooga dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.