Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo u dhintay dhaawaci kasoo gaaray qaraxi Tiyaatarka

Alla ha u naxariistee waxaa saakay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Moowliid Macaani Maxamuud kaasi u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxi ismiidaaminta ahaa ee Arbacadi lasoo dhaafay ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.

Xildhibaanka ayaa shalay diyaarad gaar ah ka qaaday Muqdisho kadib marki wax loogaga qaban waayey dalka gudahiisa, waxaana wararku sheegayaan in maalmahan oo dhan uu koomo ku jiray.

Mowliid Macaani oo ka mid ahaa xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamaanka ayaa dhaawaca ku dhacay wuxuu ku kiciyey xanuuno uu horay u qabay oo kala ahaa Dhiig kar iyo Kaadi Sokorow.

Geeridiisa waxaa xaqiijisay wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Maryan Aweys, oo sheegtay in uu geeriyooday xildhibaanka saakay abaaro 5:30 aroornimo.

XIldhibaanka ayaa lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaado magaalada Muqdisho si loogu aaso, waxaana xildhibaanka tacsi u diray madaxda dowlada KMG Soomaaliya.

Mowliid macaani ayaa ahaa siyaasi rug cadaa ah, waxaana uu lasoo shaqeeyey dowladi dhexe ee Soomaaliya, maamulki General Ceydiid, dowladi Carta, isaga oo sidoo kalana ka tirsanaa dowla FKMG Soomaaliya tan iyo marki lagu aas aasay dalka kenya.