Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ku dhaawaacmay dagaalkii xalay ka dhacay Garbahaarey

Wararka ka imanaya magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Garbaharey uu ku dhaawacmay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ahaa xildhibaanadii mudada dheer ku sugnaa gobolka Gedo.

Maxamud Sayid Aadan oo wareysi siiyey idaacada BBCda ayaa xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay dagaalkii iyo duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Garbahaarey.

Hase yeeshee Maxamuud Sayid ayaa sheegay in uu dhaawaciisu yahay mid fudud balse ay qasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamada ururka Alshabaab ee soo weeraray degmada Garbahaarey.

Waxana uu intaa ku daray Maxamuud Sayid in 22 ka tirsan ciidamadii soo weeraray ay ka dileen halka tiro kalana ay ka dhaawaceen.

Weerarkan ka dhacay magaalada Garbahaarey ayaa waxa madaafiic ay ku dhacday isbitaalka Garbahaarey iyadoo burbur xoog leh uu ka dhashay duqeynta loo geystey isbitaalka Garbahaarey.