Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin” doorashada dalaka kama dhici doonto Cadaalad darii iyo wax is daba marin”

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in gudiga eysan aqbali doonin musharixiin aan soo buuxin sharuudihii laga rabay.

Maryan Cariif Qaasin ayaa waxa ay shaacisay in Guddiga ay ku howlan yihiin qabashada Araajida Musharixiinta u tartamaysa qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale sheegtay inta lagu guda jiro Doorashooyinka aysan dhici doonin cadaalad darro iyo wax isdaba marin ah.

“Lama aqbali doono musharax aan ka soo bixin shuruudihii loo baahnaay”Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin ayaa sidaas saxaafada ku tiri.

Sikastaba waxaa lagu ballansanaa in 20-ka August dalka Soomaaliya uu yeesho Madaxweyne qaran islamarkaana aysan dhicin, haddana waxa la sameeyay horumar ku addan barlaman lagu soo dhisay dalka, kaasi oo la fillayo in uu qabto Doorasho Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo lagu iclaamiyay 10-ka bishan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here