Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan lagu magacaabo Xuseen Cabdisalaan (Xuseen Dheere).

deg deg ahXildhibaanka ayaa waxaa toogtay kooxo bastoolado, wuxuuna xilligaas ka soo baxayay Jaamacad ku taala xaafadda Buulo Xubeey ee degmada Wadajir.

Kooxda dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in howgalo ay ka wadaan xaafadda weerarka uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Wadajir.

Lama oga kooxda dilka u geestay xildhibaanka, waxaana xildhibaanka la geeyay gurigiisa.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyay dilka xildhibaanka wuxuuna alle uga baryay inuu janada fardoosa ah galiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here