Xildhibaan Jeesoow oo eedeeyey Dooxada Shabele

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraa ayaa ku eedeeyey maamulka Dooxada Shabelle in ay mas,uul ka yihiin amni darida ka jirto Baladweyne.

Wuxuu sheegay in xaalada amaan dari ee haatan ka taagan Baladweyne ay ka darantahay marki ay joogeen Al Shabaab.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Dooxada Shabelle in ay joojiyaan dilalka macnadarada ah ee ay u geysanayaan dadka aanan waxba galabsan.

Maamulka Dooxada Shabelle ayaa lagu eedeeyaa in ay dilaan qofki ay uga shakiyaan Al Shabaab ama dadka Shabaabka ah iyaga oo aanan maxkamad soo taagin.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaanan wali maamul u sameyn gobolka Hiiraan, waxaana haatan Baladweyne ka arrimiya maamul ay dowlada kasoo horjeesatay oo la yiraahdo Dooxada Shabelle kaasi oo jooga intiisa badan dhinaca bari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. asc daahir jeesow maa ladhahaa waa xildhibaan walee waa kala guur ninkaan anigaa si fiican u aqaan waa in waxna qorin waxna akhrin lkn mudo badan ayuu ku noolaa holland , waxaan ogaa markii shahaadada dugsiga sare looga dalbaayay cabdalla shideeya hadana waa xildhibaan see loo taageeraa dowladaan aan xildhibaanadeeda waxna qorin waxna aqrin waliba wuxuu taageeri jiray woorlooradii kadibna maxaakiimta kadibna alshabaad , sow qatar ma ahan marka in lalaayo kuwa wax bartay, ileen jaahilka ma ogola nin wax yaqaan oo wuxuu aamin san yahay inuu isaga meesha ka baxaayo, hadana waxuu leeyahay waagii alshabaab joogtay hada ayaa ka daran wali wuxuu taageersan yahay alshayaadiin waa dhibaato walee umada soomaaliyeed haysata halkaan kuam soo koobi karo taariiqda xun uu leeyahay ninkaan , balse waxaan leeyahay dowlada haka fiirsato kuwaan oo kale .

Comments are closed.