Xildhibaan Jeesoow oo dowladda baaq u diray

Xildhibaan Jeesoow oo Dowladda ugu baaqay
Xildhibaan Jeesoow oo Dowladda ugu baaqay

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxa uu ka hadlay iska horimaadyada u dhaxeeya Ciidanka Dowladda, ee ku soo badanaaya Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maalintii 3-aad, ayaa waxaa maanta qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacay, iska horimaadyo uu dhiig ku daatay oo u
dhaxeeyay Ciidanka Dowladda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in iska horimaadyadaan ay salka ku hayaan arrimo la xiriira xagga qabaa’ilada.

Xildhibaanka, ayaa intaa raaciyay inaan loo baahnayn in indhaha oo kaliya laga fiirsado Ciidankii Dowladda, oo isku dagaalaaya qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay gacanta ku heyso Dowladda.

Mr. Jeesoow wuxuu Dowladda Federalka ee Soomaaliya uu ugu baaqay, in ay jawaab deg deg ah ka bixiso iska horimaadyada ku soo badanaaya Gobolkaasi, kana shaqeyso sidii guul looga gaari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here