Xildhibaan hore oo lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo

Xildhibaan ka tirsanaan jiray Golaha Wakiilada Galmudug ayaa maanta lagu dilay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Mudanahaan oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Shuubac ayaa waxaa dilay rag hubeysan xilli uu marayey suuqa magaalada sida ay sheegeen saraakiisha amaanka oo haatan wado baaritaano.
Marxuumka ayaa xubin fir fircoon ka ahaa maamulki madaxweynihi hore ee Galmudug Kiimiko, waxaana meydkiisa la dhigay gurigiisa oo ku yaala Gaalkacyo.

Dhanka kalana, meydadka laba dhalinyara ah ayaa lagu arkay xaafadaha dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo  ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Lama oga cida dishay dhalinyaradaasi, waxaana dadku ay isla dhaxmarayaan in laga yaabo in ay dileen ciidamada amaanka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha ugu dilka badan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.