Xildhibaan Dowlada Kenya ka dalbaday ineey dib u furto xuduudka Somalia

1081416Xildhibaanka laga soo doorto Bariga magaalada  Wajeer Cabaas Sheikh Mohamed ayaa ka mid ah Xildhibaanada dowladda Kenya ugu baaqay in ay in dib u furto xuduudka ay la wadaagto Somaliya, si uu dib ugu soo laabto ganacsiga ka dhaxeeyay bulshada Ku nool dalka Kenya iyo sidoo kale bulshada Somaliyeed ee ku sugan degmooyinka xuduudka la leh dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay xiritaanka xuduudka ay wadaagaan labada dal in aysan joojin karin weerarada joogtada ah oo ay Al-Shabaab ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay tan iyo markii ay timid xiritaanka xuduudka ay wadaagaan Somaliya iyo Kenya in uu cuuryaamay ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.

Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan xuduudka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya , tan iyo markii bishii October  ee sanadkii 2011 ay gudaha u soo galeen dalka Somaliya ciidanka dowladda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here