Xildhibaan Cabdi Xoosh Jibriil oo aflagaado ku sagootiyay Kay

xoosh (1)Xildhibaan Cabdi Xoosh Jibriil oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa aflagaado ku sagootiyay ergayga xilkiisi dhamaaday ee QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, kaasoo xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa bartiisa Facebooka soo dhigay qoraal uu ku aflagaadeeynayo Danjire Kay, asigoona ku eedeeyay inuu ahaa shaqsi mabda’a gumeeysiga ku socday islamarkaasina cunsuri ahaa.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inuusan waxba kala socon xaalada Soomaaliya islamarkaasina jaahil ka ah, sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya uga tegay xaalad kaxun sidii ay ahayd markii xilkan loo soo magacaabayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here