Xildhibaan abaabul dagaal ka wada gobolada Bay iyo Bakool

Xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomalaiya sheegay in ay ka wadaan dhaq dhaqaaq dagaal gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabab.

Xildhibaan Afaraale oo ka mid ah mudanayaasha kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ayaa tilmaamay in ay hada ku suganyihiin qeybo ka mid ah gobolka isla markaana ay kulamo kala duwan la qaateen odayaasha iyo waxgaradka goboladaasi.

Kulamadaasi ayuu ku sheegay in ay uga gol lahaayeen sidi ay dadka ugu wacyi gelin lahaayeen in ay iska xoreeyaan waxa uu ugu yeeray kooxo gumeystayaal ah oo dadka u diiday nabada iyo horumarka.

“Mudada aan joognay wax badan ayaa noo qabsoomay dadkana waan wacyi gelinay in ay iska dhiciyaanna way ogolaadeen kooxaha nabad diidka, mar dhaw waxaan rajeynayaa in ay iska xoreeyaan kooxaha arxan laawayaasha ah, waqti dhaw ayaan tagi doonaa magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur,” ayuu yiri.

Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ka mid ah gobolada ay sida weyn u maamulaan Al Shabab, dadka kasoo jeedo ayaa sidoo kale ka mid ah dadka uga badan ee u dagaalama ururka Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.