Xil. Mustaf Dhuxuloow oo Jabuuti ku qaabilay sirdoonka Mareeykanka & MI6

yasiirow-dhuxulowTan iyo markii la dhisay “Tubta Toosan” oo ah hay’adda ka hortaga iyo la dgaalanka argagixisada waxaa safaro iyo siminaaro heer caalami ah madaxdeeda ugu qeybgalayeen dalalka Kenya iyo Jabuuti oo Mareykanka ku leeyahay saldhiga ugu weyn ee lagala dagaalamo argagixisada.

Todobaadkaan gudahiisa, waxaa magaalada Jabuuti siminaar ugu qeybgalay Agaasimaha Tubta Toosan iyo La-taiyahiisa Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow.

Siminaarkaan waxaa barbar socday kulamo ay la yeelanayeen hay’addaha sirdoonka ee Mareykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil, iyagoo ka wada hadlayay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo fara badan oo qeyb ka ah ka hortaga argagixisada Soomaaliya.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Jabuuti, Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa Agaasimaha hay’adda Tubta Toosan Muftaf Dhuxulow iyo La-taliye C/raxmaan Yariisow casuumaad ka heleen, waxayna casuumaadaasi ka danbeysay kulan todobaadyo ka hor la yeesheen madaxda safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo ay ka heleen mashruuc dadka looga wacyi gelinayo halista argagixisada iyo arrimaha xog isdhaafsiga sirdoonka.

Mashruucaan oo Safaaradda Mareykanka ay heshiis malaayiin dollar ku baxaya ku kala saxiixdeen ayaa qeybtii labaad ee dhaqaalaha loogu talagalay lagu guddoon siiyay safaaradda Mareykanka ee jabuuti.

Dhinaca kale, saraakiil ka socotay hay’addaha sirdoonka Ingiriiska MI6 iyo sirdoonka Israa’iil ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan Mossad ayaa waxay hotelka Sheraton ee Jabuuti kula kulmeen hormuudka hay’adda Tubta Toosan, kuwaasoo isla soo qaaday xaaladaha argagixiso ee Soomaalia. Kulankaasi oo ahaa mid qarsoodi ah, wax faah faahin ah oo dheeri ah lagama haayo.

Mashruuca “Tubta Toosan” oo mudo ka yar lix bil jiro ayaa hadda u muuqda mid sanado badan soo shaqeynayay iyo taageerada caalami ee uu ka helayo dalalka daneeya xogaha argagixiso ee dalka Soomaaliya ka jira.
Waxaa idiin soo gudbineynaa qormooyin iyo sawiro ku saabsan Tubta Toosan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here