Xiisado ka Jira Kismaayo iyo Ciidamada Huwanta oo Kaabiga ku Haya

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay saaka Ciidamada huwanta ka dhaqaaqeen degmada Afmadow iyaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Dowladda KMG ah, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo wata Taangiyo iyo hub aad u fara badan ayaa saaka ka dhaqaaqay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90KM u jira magaalada Kismaayo, waxaana saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan oo aan la xiriirnay inoo sheegeen in ay ku wajahan yihiin deegaanka Birta Dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda Maxamed Dahir Faarax ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada huwanta ay saaka ka dhaqaaqeen fariisimahoodii ay ku lahaayeen deegaanka Biibi waxaana uu sheegay in ay isla maanta la wareegi doonaan deegaanka Birta Dheer oo ay Shabaab ka taliyaan.

“Adeer Ciidamada saaka ayey kasoo dhaqaaqeen Biibi isla maanta waxay la wareegi doonaan Birta Dheer, kadibna waxaa ku xigta waa Kismaayo”, ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Dowladda Maxamed Faarax Daahir

Dhanka kale wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaaya in xaaladdu kacsan waxaana magaalada ka socda dhaq dhaqaaqyo iyo abaabul ay shabaabku ku doonaayaan in ay magaalada uga difaacdaan Ciidamada duulaanku kusoo ah.

Lama oga sida xaalku noqon doona iyo waxa is badali doono saacadaha soo socda, hawlgalada ay Ciidamadan huwantu ka wadeen Soomaaliya oo maal mahii lasoo dhaafay hakad ku jiray ayaa iminka u muuqda in ay dib u bilowdeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here