Xiisado dagaal oo laga dareemayo magaalada Kismaayo

Xaalada magaalada Kismaayo oo ah xaruunta Jubada Hoose, ayaa saakay dagan, kadib markii Xalay halkaas laga dareemay dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kuwaasoo ay kala wataan qaybaha Isku haya siyaasada halkaas.

Dadka deegaanka ayaa  ku waramaya in meelaha qaar laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo u dhaxeysa qaybaha ay magaalada u kala xirantahay, sidoo kale waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka iyo maleeshiyad farabadan uu kusii qul qulaya aagaga ay ka kala joogaan magaalada.

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa ah kuwo iska caadi ah oo aan wax hakad ku’imaan, waloow dadka qaarkiis ay muujinayaan baqdin xoogan.

Dhinaca kale dagalyahano katirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa ineey ku dhow dhowyihiin Koontaroolada laga soo galo magaalada Kismaayo, kuwaasoo markii ay dhaqdhaqaaq yar ka dareemaaan magaalada weeraro kusoo qaada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha Alaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Kismayo waa nabad dhibka ugu wayn
    waxaa ku haya kuwa idinka oo kale oo
    soo qoraaya war been ah .
    kismayo waa dalkiinii dacaayada raqiiska ah
    ha laga dhaafo. hadii aad sii wadaan
    dalka waan ka go aynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here