Xiisado dagaal oo laga dareemayo deegaano ka mid ah gobolka Gedo.

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan inay ka jiraan qaar kamid ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaas xiisado colaadeed.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan  oo ay wadaan ciidamada DKGaarka iyo kuwa ururka Alshabaab ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo.

Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere yaa kamid ah deegaanada ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada iyadoo la sheegay in ciidamada DKGaarka iyo kuwa Ahlusunah ay degmooyinkaas u ruqaansadeen.

Ciidamada dowlada ayaa hore dhowr jeer ugu celceliyey inay ka saarayaan guud ahaan gobolka Gedo ciidamada Alshabaab, iyadoo degmooyinka  Buurdhuubo iyo Baardheere oo kaliya ay gacanta ururka Alshabaab weli ku jirto iyadoo inta badan gobolka Gedo ay haatan maamulaan ciidamada daacada u ah Dkgaarka ah iyo ururka Ahlusunah.

Ciidamo badan oo dowlada laguna soo tababaray dalka Kenya iyo Itoobiya ayaa la sheegay inay soo gaareen gudaha deegaano kamid ah gobolka Gedo.

Saraakiil u hadashay ururka Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen inay ka warhayaan weerarka ku soo socda balse ay iyagu diyaar u yihin inay iska caabiyaan ciidamada ku soo jeeda.

Saraakiisha horkacaysa ciidamada dkgaarka ah ee kusugan gobolka Gedo ayaa hore u sheegay in ay u hakiyeen dhaqdhaqaaqooda ciidan roobab xoog leh iyo abaaro ka jirey gobolkaas balse hadda ay doonayaan inay dib u bilaabaan howlgaladoodii ay kula dagaaalamayeen ururka Alshabaab.

Degmada Baardheere oo kamid ah halka uu ka jiro dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa waxaa hore u duqeeyey dayuurado la rumeysan yahay inay lahaayeen ciidamada Kenay ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 
midnimo12@googlemail.com